Xog dheeraad ah oo laga bixiyey duqeymo Maraykanku ka geystay Puntland

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faahfaahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo Mareykanku ka fuliyey degaano ka tirsan Puntland.

AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 8-dii bishan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degaanada Buuraleyda Golis ee gobolka Bari, isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Kooxda Daacish.

“Duqeyntaas dhinaca cirka ah waa mid aan ku taageereyno dowladda Soomaaliya, si ay ula dagaalanto argagixisada, isla markaana ay u wiiqanto awoodooda, waxaana ku dhintay 13 ka tirsan Kooxda Daacish”  ayuu yiri Admiral Heidi Berg oo ah Agaasimaha dhinaca sirdoonka u qaabilsan AFRICOM.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan in duqeyntaas ay wax ku noqdeen iyo in kale dad rayid ah, isla markaana qiimeyn ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay, waxaana uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Kooxaha argagaxisada ah ee geeska afrika sida uu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -